Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka ( Sawiro)

HomeWararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka ( Sawiro)

Kusimaha Madaxweynaha dowaldda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaad

Ciidamada Uganda oo toogasho ku diley wadaad Muslim ah
Caawa & Daljir iyo Axmed Sheekh Maxamed Tallman, Daljir Bossaso (dhegayso)
Guddoomiyihi hore gobalka Hiraan Yuusuf Dabageed oo edeyey Madaxweyne Waare

Kusimaha Madaxweynaha dowaldda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka. Guddigan oo ka shaqaynaysa waxkaqabashada waxyeeladii fatahaadaha Roobabkii da’ay ay gaysteen, kuwaas oo tan iyo markii la magacaabay Juun 02 2019 shaqo badan ka qabtay waddooyinkii go’ay.

Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Kulanka oo uu shir Guddoomiyey Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa la isla wadaagay xogta ilaa iyo haatan waxyaabihii qabsoomay, sida waxlooga qabtay waddooyinkii roobabku gooyeen oo loo sameeyey waddooyin qaab dhismeed kumeel gaar ah leh, si isu socodka gaadiidku si toos ah ugu socdo” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Dabaraani.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey dedaalada wax ku oolka ah ee ay qabteen guddigu iyo siday har iyo habeenba ugu heelanyihiin u adeegidda shacabkooda, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan shaqadaasi, ayna joogteeyaan kormeerka waddooyinka sida kumeel gaarka ah loo dhisay iyo qiimayn guud oo ay ku sameeyaan guud ahaan wadada.

-DHAMMAAD-

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: