Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo magacaabay guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka.

HomeWararka

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo magacaabay guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka.

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Ro

Golaha degaanka Degmadda Bareeda oo Kal-fadhigoodi kobaad yeeshay (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Villa Somalia oo faahfaahisay safarki Addis ababa ee Madaxweyne Xasan sheekh

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka.

Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixino ka soo diyaariyaan baaxadda waxyeelo ee fatahaadaha roobka, ayna wax ka qabtaan waxyeelada ay u geysteen daadadku dadka, xoolaha, wadooyinka, deegaanka iyo saamaynta ay ku reebeen roobabkii ka da’ayey guud ahaan deegaanada Puntland.

Sidoo kale Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa ka kooban Wasaarado, Hay’addo dowliya, Guddoomiyayaal Gobol iyo Taliska ciidanka Booliska Puntland, waxaana ay leeyihiin Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayn.

Guddiga ayaa kala ah: –

1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Guddoomiye

2. Wasaaradda Hawlaha Guud
G/Ku Xigeen

3.Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha
Xubin

4. Wasaaradda Maaliyadda
Xubin

5. Wasaaradda Ganacsiga
Xubin

6.Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
Xubin

7.Wasaaradda Deegaanka
Xubin

8.Wasaaradda Caafimaadka
Xubin

9.Wasaaradda Qorshaynta
Xubin

10.Madaxtooyada
Xubin

11.Taliska Ciidanka Booliska
Xubin

12. Hay’adda HADMA
Xoghayn

13.Hay’adda PHA
Xubin

14.Guddoomiyayaasha Gobolada
Xubin

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku wargeliyey cid kasta oo hawshani khuseyso inay kala shaqeeyaan gurdiga, isla markaasna u fududeeyaan wixii hawl ah ee ay u baahdaan, si ay ugu fududaato hawsha loo igmaday.

DHAMMAAD-

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: