Antonio Gutterres oo  magacaabay James Swan inuu noqdo Ergeyga cusub ee u qaabilsan Soomaaliya.

HomeWararka

Antonio Gutterres oo magacaabay James Swan inuu noqdo Ergeyga cusub ee u qaabilsan Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres ayaa u magacaabay James Swan inuu noqdo Ergeyga cusub ee u qaabilsan Soomaaliya. Magacaabidan

Midowga Yurub: “Soomaaliya waxaan ugu deeqeynaa 42.5million oo EURO (€42.5 million)”
Nairobi arday ku geeriyootay Iskuul ku soo dumay
Madaxweyne Deni oo ka qayb galay xaflad ay ku qalin jabinayay 190 Arday

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres ayaa u magacaabay James Swan inuu noqdo Ergeyga cusub ee u qaabilsan Soomaaliya.

Magacaabidan ayaa ka dambeysay markii muddo lix bilood uusan Xafiiska UNSOM laheyn wax Ergey ah, kaddib eryidii Mr Haysom.

Mr James Swan oo ah Diblomaasi u dhashay Mareykanka ayaa bedelaya Ergeygii hore ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom, kaasoo horaantii sanadkan ay dowladda Soomaaliya ka eriday dalka.

Antonio Gutterres ayaa muddo baadigoobay wakiil cusub, waxaana uu ka fikirayay in Wakiilka cusub uu noqdo nin ka soo jeeda shanta dal ee Golaha Ammaanka QM ku leh codka qayaxan.

James Swan ayaa ah nin wax badan ka yaqaana arrimaha Soomaaliya iyo Gobolka Geeska Afrika, isagoo mar soo noqday Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya.

Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Sworn ayaa sidoo kale soo noqday Safiirka Mareykanka u fadhiyay dalalka Jabuuti iyo DRC, sidoo kale waxaa uu soo noqday Kuxigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika.

James Swan ayaa noqonaya Ergeygii labaad ee Mareykanka u dhashay oo Qaramada Midoobey u soo magacawdo Soomaaliya, iyadoo sanadkii 1993/94 uu howlgalkii Qaramada Midoobey hoggaaminayay Jonathan Howe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: