Ciidamadda dowladda oo howlgalo ka sameyeey Muqdisho

Ciidamadda dowladda oo howlgalo ka sameyeey Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgallada uga sameeyeen Xaafadaha Nasteexo ilaa Suuqa Weyn ee degmada Wadajir,waxaana la sheegay inay ku qabqabteyn dad u badan dhalinyaro.

Ciidamada ayaa hal Goob isugu geeyay dadka howlgalka lagu qabqabtay,iyaga oo baaritaano ku sameeyay,hayeeshee badankood markii dambe ay Ciidamadu siidaayeen.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha xoosh iyo Dabakaaya Madow ee degmada Dharkeenleey,waxaana si la mid ah ay ku qabteyn dad u badan dhalinyaro,kuwaas oo baaritaano dheer kadib qaarkood lasiidaayay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com