Amniga Muqdisho oo si wayn loo adkaynayo

HomeWararka

Amniga Muqdisho oo si wayn loo adkaynayo

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoominayey kulan Looga hadlay Amniga Caasimada Muqdisho

Xulashada Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan (dhegayso)
Waraysi: Madaxweyne Gaas oo Soo dhaweyaay Xalintii Issimadda Puntland ee Muranka Dekadda Boosaso (dhegayso)
Waxgaradka degmadda Ufayn oo soo dhaweyeey shirka Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoominayey kulan Looga hadlay Amniga Caasimada Muqdisho

Kulankan oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Amniga gudaha,gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho ,taliyayaasha Ciidanka iyo khuburo kale kulankan ayaa diirada lagu saaray Amniga Caasimada Muqdisho iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa warbixin iyo talooyin ka dhagaystay Khuburada loo xil saaray uruurinta xogaha Amni oo ay soo gudbiyaan laamaha Amniga , Ra’iisul wasaare Khayre waxa uu amaanay dadaalada ay wadaan Hay’adaha Amniga .

Ra’iisul wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay Hay’adaha Amniga inay dardargeliyaan shaqada loo xilsaaray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: