Amniga Muqdisho oo si wayn loo adkaynayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoominayey kulan Looga hadlay Amniga Caasimada Muqdisho

Kulankan oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Amniga gudaha,gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho ,taliyayaasha Ciidanka iyo khuburo kale kulankan ayaa diirada lagu saaray Amniga Caasimada Muqdisho iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa warbixin iyo talooyin ka dhagaystay Khuburada loo xil saaray uruurinta xogaha Amni oo ay soo gudbiyaan laamaha Amniga , Ra’iisul wasaare Khayre waxa uu amaanay dadaalada ay wadaan Hay’adaha Amniga .

Ra’iisul wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay Hay’adaha Amniga inay dardargeliyaan shaqada loo xilsaaray.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com