Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay Muqdisho

HomeWararka

Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa nabadoon caanka ahaa degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dhex dileen masjid ku yaal Xaafadda Juungal ee degmada Yaa

Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC. (Sawiro)
Xulashada Daljir & Khadar Cawl, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Kooxo hubeysan ayaa nabadoon caanka ahaa degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dhex dileen masjid ku yaal Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cariif, waxaana uu ka mid ahaa waxgaradka sidda si weyn looga yaqaano Xaafadda Juungal.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in labo ruux oo bastoolado ku hubeysan ay gudaha u galeen masjid ay ku cibaadeysanayeen dad sooman waxana ay rasaas u fureen nabadoon Ibraahim Cariif oo kutub quraan ah akhrisanayay.

Raggii geystey falka dilka ah ayaa goobta ka baxsday iyadoo ay masjidka xaafadaha u dhow dhow ay baaritaano ka sameeyeen ciidamada Booliska oo gaaray xilli dambe oo ay raggii wax diley baxsadeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: