Ethiopia oo shaacisay colaada ay u qabto Soomaaliya

Ethiopia oo shaacisay colaada ay u qabto Soomaaliya

Qoraal lagu daabacay boga Internet ka ee wasaarada arimaha dibada Ethiopia ayaa lagu sheegay in xiriir xun iyo colaad guun ah u dhaxayso Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ma ahayn mid caafimaad qaba inta la xasuusto taariikhda. dagaalkii xooganaa iyo mid kooban oo dhexmaray labada dal waxaa sabab u ahaa riyada faaruqa ah ee loogu yeero Soomaali weyn taasoo ku salaysan dhul balaarsi siyaasadaysan.”,
Qoraalka oo sii socda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya aysan waxba ka faa’iidin arintaasi.

“Tani Soomaaliya waxba uma kordhin marka laga reebo colaad iyo qalalaase dhamaan wadamada deriska ah ay ka dhex abuuratay gaar ahaana Ethiopia.”

Ethiopia waxay aaminsan tahay in Soomaliya ay saaxiib la tahay cid walba oo cadow ku ah dalka Ethiopia sida ku xusan isla qoraalkan oo ku kaydsan boga Internet ka ee wasaarda arimaha dibada Ethiopia.

“Inbadan waxay Somalia wakhti ku bixisay sidii ay iskaashi ula yeelan lahayd wadamada iyo kooxaha ay ku tuhmayso Ethiopian nacayb ka iyadoo khalkhal gelisey nabad gelyada Itoobiya.”

Halganka jabhadihii hubaysanaa ee Soomaali galbeed kaga hortageen nidaamkii Xala Salaase iyo Mingiste ayaa Ethiopia u aragtaa mid Soomaaliya ku doonaysey dhul balaarsi.

“Dhanka kale iska caabinta nidaamkii cadaadiska badnaa ee Ethiopia ka jirey ee Soomaalida Ethiopia wuxuu la xiriirey siyaasada isbalaarinta ee Soomaaliya , Soomaaliya waxay aad ugu guulaysatey inay abaabusho dad badan oo Soomaali Ethiopian ah kuwaasoo ay xulufo kula noqotay inay u fuliyaan siyaasadoodii isbalaarinta ahayd. Ethiopia waxay arintaas u tixgelisey wax laga soo min guuriyey Soomaaliya iyo saldhigyada kale ee Ethiopia lagaga soo duuli karo.” ayaa lagu soo koobay qoraalka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Mustafa bilaal 5 years ago

    Uma babac dhigi karno Ethiopia Maanta waayo iyagu waa dal dhisan
    Oo taagan
    Soomaaliya waa dal burbursan oo kala dhantaala oo kala qaybsan
    Oo dawladii dhex ay u hanjabayaan
    Niman magac qabiil hoosta ku haysta iyaga oo maamul gobol sheeganaya

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com