Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC. (Sawiro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 3 July 2018 xafiiskiisa Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya MR. Simon Brooks.

Wafdiga hay’adda ICRC ee uu hoggaaminayey MR. Simon Brooks ayaa waxaa ka mid ahaa kuxigeenka madaxa ICRC Mr. Gauthier John Lefevre, isu duwaha hay’adda ICRC Soomaaliya Peter Lick iyo Madaxa hay’adda ICRC xafiiskeeda Puntland Abdifatah Fandhaal.

Kulanka Madaxweynha iyo hay’adda ICRC oo ka dhacay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa looga hadley halka ay marayaan mucaawinooyinka bani’aadaminimo iyo mashaariicda kale ee ay Hay’adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland sida Caafimaadka, biyaha iyo kaalmada qoyska.

Sidoo kale Madaxa Hay’ada ICRC Soomaaliya Simon Brooks ayaa Dawladda Puntland uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland, islamar ahaantana sheegay in Dawladda Puntland iyo Hay’adda ICRC ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan, sidoo kalena tibaaxay inuu arko isbadal baahsan oo ah dhinaca horumarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ah, isbedelkaas oo si baaxad leh umuujinaya in afartii sano ee lasoo dhaafay hore loo kacay, ka Hay’ad ahaana ay ka shaqeenayaan u adeegida iyo taakulaynta shacabka ku nool magaalooyinka iyo dadka reeguuraaga ahba.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa uga mahad celiyey Ha’yada ICRC shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan Puntland, islamarkaana ku booriyey iney kor u qaadaan adeegyadooda, welibana loo baahan yahay in si mug weyn loo eego wax ka qabashada abaaraha soo noq-noqdey oo mar welba saameeya nolosha reer guuraaga ah iyo guud ahaan shacabka reer Puntland, islamar’ahaantana waxaa uu madaxweynuhu sheegey in ay muhiim tahay in la helo ceel biyoodyo iyo biyo xireeno dheeriya si looga hortago xaalufka abaaraha iyo biyo la’aanta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxa hay’adda ICRC Soomaaliya MR. Simon Brooks ku adkeeyey muhiimada ay lee dahay in si dhow loola socdo xaalada dadka abaarahii ay saameeyeen, kuwaas oo sida Madaxweynuhu sheegay u baahan in si gaara loola socdo xaaladooda caafimaad iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com