Itoobiya oo ka hadashay sawir muujinayay in Soomaaliya iyo Ethiopia la isku daray

HomeWararka

Itoobiya oo ka hadashay sawir muujinayay in Soomaaliya iyo Ethiopia la isku daray

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia waxay sheegtay in si “khaldan oo aan la aqbali karin boggeeda loogu daabacay sawirka khariiradda Afrika” oo muuji

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka DFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha
Maxaad ka taqaan cudurka Burseelka iyo wax yaabaha laga qaado ? (dhegayso)
Culumadda Puntland oo Madaxda Federaalka Baaq u diray (Daawo)

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia waxay sheegtay in si “khaldan oo aan la aqbali karin boggeeda loogu daabacay sawirka khariiradda Afrika” oo muujinaya Soomaaliya iyo Ethiopia oo la isku daray.

Waxay sheegtay inay markiiba ka saareen sawirkaas. Kooxda farsamada IT-ga ayaa baareysa ayey sii raacisay wasaaraddu.

“Waxaanu ka shaleyneynaa jah-wareerka iyo fahamka khaldan ee ay arrintan dhalisay,” ayey wasaaraddu warkeeda ku soo gabagabeysay.

Sawirka khaariirada Afrika oo la soo saaray Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa muujinaya in dal gooni ah uu yahay Maamulka Soomaaliland halka Soomaaliya laga dhigay dalka ka mid ah dowladda Itoobiya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: