Madaxweynaha Puntland oo u Magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomie Ku-xigeeno Gobolka Mudug.

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo u Magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomie Ku-xigeeno Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi deni ayaa xalay magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmadda Gaalkacyo iyo ku xigeenadiisa. Digereeto ka so

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka ATMIS
Maamulka gobolka Sanaag oo digniid udiray Soomaaliland (dhegayso)
Puntland oo hubka sharci darrada ah ka mamnuucday Magaalada Qardho

Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi deni ayaa xalay magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmadda Gaalkacyo iyo ku xigeenadiisa.

Digereeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa u qornayd sidatan.

Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda
Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya
aragnimadooda shaqo

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

2. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug.

3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug.

4. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: