Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr ,26, May, 25, 2019 bedelid ku meel gaar ah, rukhso
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr ,26, May, 25, 2019 bedelid ku meel gaar ah, rukhso garsoorayaasha maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Mudug, tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Tala soo jeedinta guddiga
sare ee garsoorka Dowladda
Puntland
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa Maxamed Maxamuud Jamaac oo ahaa garsoore maxkamadda derejada 1-aad ee Xarfo si kumeel gaar ah loogu bedeley Guddoomiyaha Maxakamadda derejada 1-aad ee Gaalkacyo.
Waxaa la rukhseeyey garsoorayaasha maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Mudug, tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
COMMENTS