Safaaradadda Soomaaliya ee dalka Kenya oo Maanta Albaabada loo laabay

HomeWararka

Safaaradadda Soomaaliya ee dalka Kenya oo Maanta Albaabada loo laabay

Saaka ayaa waxaa sirasmi ah Albaabada loogu laabay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib markii Dowladda

Warka Fiidnimo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Casho Sharaf Hoygiisa ugu Sameeyay Madaxwaynaha Jubaland (Daawo)
XILIGA LASOO XIRAYO DIIWAANGALINTA CODBIXINTA DOORSHADA DEGMOOYINKA PUNTLAND OO LA SHAACIYAY (Daawo)

Saaka ayaa waxaa sirasmi ah Albaabada loogu laabay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay dhawAan amartay in Diblumaasiyiinta & Shaqaalaha ku sugan Safaaradda ay dalkaasi kasoo tagaan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Diblumaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradda oo uu horkacayo safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Amb, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan inay soo gaareen Magaalada muqdisho.

Todobaadkii hore ayaa waxaa Amar uu ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaas oo ahaa in muddo 7 cisho gudahood ku soo galaan gudaha dalka, xubnaha ka howlgalayay Safaaradda ee saaka dib ugu soo laabtay dalka , kuwaas oo gaaraya 17 xubnood.

17-kii Bishaan ayaa mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ay ku dhawaaqin in la hakiyay Shaqooyinkii ay qaban jireen, waxana xilligaasi wixii ka dambeeyay ay wadeen diblumaasiyiinta & Shaqaalaha Safaaradda sidii ay ugu soo laaban lahaayeen Magaalada Muqdisho.

Xeerka heshiiska diblomaasiyadda Caalamiga ee Viena Convention ee sanadkii 1961 ayaa wuxuu dhigaya haddii aad xiriirka u jartid ama xiriirka laaala dhaxeeeya uu burburo dal aad Safaarad ku leedahay dhismaha Safaaradda iyo hantida dhex taal in loo wakiisho dalka siyaasad ahaan aad isugu dhow dihiin, hayeeshee dowladda Soomaaliya aysan weli shaacin dalka ay u wakiilatay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: