Biyihii roobka ee Puntland ka da’ay oo badda kusii qulqulaya (dhegayso)

HomeWararka

Biyihii roobka ee Puntland ka da’ay oo badda kusii qulqulaya (dhegayso)

Xilli bilihii lasoo dhaafay uu jiray jiilal daran iyo abaar isbiirsaday, sababtay casbashooyin meelo badan oo ay Puntland dadwaynuhu ka muujiyeen qiim

3-Carruur oo ku dhaawacmay qarax kadhacay duleedka Muqdisho
Muwaadin somaliyeed oo lagu dilay dalka koonfur africa
Bander Bayla: Qoys ku sumoobay Hilib sagaaro (dhegayso)

Xilli bilihii lasoo dhaafay uu jiray jiilal daran iyo abaar isbiirsaday, sababtay casbashooyin meelo badan oo ay Puntland dadwaynuhu ka muujiyeen qiimaha biyaha oo kordhay iyo biyo la’aanta jirta ayaa haddana xalay uu roob fiican helay meelo badan oo ka mid ah Puntland.

Dooxooyinka Nugaal, gobolka Sool, Garoowe, Mudug , Qardho iyo Waaciye ayaa roob fiican uu helay, inkastoo biyahaasi mudada dheer loo oomanaa ay kusii darsamayaan badda iyagoo aan laga faa’iidaysan ama aan la qaban.

Prof Maxamed Xareed Cali oo barre ka ah kuliyadda xanaanada xoolaha ee jaamacadda Bariga Afrika ayaa sheegaya haddii boqoliiba shan biyaha roobka la qabto, ay noqon lahayd faa’iido wayn, balse waxaa uu nasiib darro uu ku tilmaamay inaanay bulshada Puntland u diyaarsanayn inay roobka qabtaan biyaha qulqulaya ee dooxooyinka ee badda ku darsanaya, kuwaasi oo uu sheegay inay xaaqaan ciidda nafaqada leh oo ay dhulka ka dhigaan mid xaaluf ah.

Maxamuud Cabdi Ibraahim ayuu u waramay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: