Askari Bajaajle ku dilay Magaaladda Muqdisho

HomeWararka

Askari Bajaajle ku dilay Magaaladda Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu wiil mooto bajaajle ah ku dilay isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho. Dilka

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Ciidamada Magaalada Jigjiga oo Xabsiga Dhigey Waalidiinta Wasiirkii Hore ee Haweenka Itoobiya Filsan Axmed

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu wiil mooto bajaajle ah ku dilay isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Dilka darawalka Mooto bajaaj-ta ayaa ka dambeysay kadib markii ay murmeen askariga iyo wiilka dhalin yarada ah, taasina waxaa ay keentay in askari uu xabad madaxa kaga dhuftay wiilka dhalin yarada ah, iyadoona halkaasi uu ku geeriyooday.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in wiilka dhalin yarada uu damcay inuu maro wado ciriiri ah, maadaama halkaasi bar kontorool ay ku leeyihiin ciidamada booliska Soomaaliya.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ag fariistay goobta uu ku dilay Darawalka Mooto bajaajta, iyadoona la sheegay inuu iska dhiibay qorigii uu watay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: