Madaxwayne Deni “Hooyadu inay qarin waxa gabadheeda lagu sameeyey waa horumar la gaaray” (dhegayso)

HomeWararka

Madaxwayne Deni “Hooyadu inay qarin waxa gabadheeda lagu sameeyey waa horumar la gaaray” (dhegayso)

Madaxwaynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa guul iyo horumar ku tilmaamay inay hooyooyinka ay qarin tacadiyada kufsiga ee soo badanaya,

Madaxweynaha Puntland oo tacsiyeeyay Geeridii Amiirkii dalka Kuwait
Carwadda Wareegta: Waa wiil dhalinyara ah oo la yimid fikir cusub
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland oo ku Sugan Badhan (sawirro)

Madaxwaynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa guul iyo horumar ku tilmaamay inay hooyooyinka ay qarin tacadiyada kufsiga ee soo badanaya, islamar ahaanataana ay u raadiyaan sidii caddaalad loogu samayn lahaa.

Madaxwaynaha ayaa waxaa uu sheegay in kiiska dilka iyo kufsiga Caasho Ilyaas ee dareenka bulshada qabsatay uu ahaa mid si gaar ah u xanuun badnaa, uu watay dil, waxaana uu xusay maalinta Sabtida inay caddaalad ay heli doonaan ehelkeeda.

Waxaa uu ku tilmaamay wax xun oo dhaqan ahaan ragga u wanaagsanayn, dumarkuna ay ka taxadaraan meelaha aan munaasibka ahayn, hay’adaha ammaankana ay gaarsiiyaan falalka tacadiga ah ee dhacaya.

Hadalkaan waxaa uu ka sheegay munaasbad lagu soo xirayay shirwaynaha haweenka Puntland oo maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: