Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland oo ku Sugan Badhan (sawirro)

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland oo ku Sugan Badhan (sawirro)

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladdda, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta 27 Nov 2017, kormeeray xarumaha dawladda ee degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Kormeerka ayaa waxaa Agaasimaha ku wehelinaayey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon, Maayirka degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Isu duwaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha dawladda Puntland iyo Masuuliyiin kale.

Agaasimaha ayaa soo kormeeray xarumaha dawladda degmada Badhan ee kala ah Wasaaradda Waxbarasha, Wasaaradda Degaanka, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Jeelka weyn ee magaaaladaasi oo dhisme kasocdo, Jammacadda Maakhir, riigga magaalada iyo biyo gelinta magaalada oo shaqadeedii socoto, sayladda Xoolaha iyo sidoo kale xarumihii qadiimiga ahaa ee dawladda kuwaas oo u baahan dayactir.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa sheegay in degmada Badhan ee gobolka Sanaag laga hirgeliyey inta badan dhismayaasha dawladda ee muhiim ka ah, isla markaana ay dhammaan xarumahaasi gacanta kuhayaan shaqaale waddaniyiina oo masuuliyad gaara iska saaray illaalinta xarumahaasi muhiim ka ah.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa tilmaamay in ay jiraan xarumihii dawladda ee qadiimiga ahaa qarkood oo burbur xoogani soo gaadhan, isla mar’ahaantaana ay u baahan yihiin dayactir xoogan oo ku yimaada isku-tashi bulshada dhexdeeda ah iyagoo cuskanaya halku dhiggii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa [PUNTLAND HA ISKU-TASHASHO], waxaana uu Agaasimuhu ku booriyey maamulka gobolka iyo kan degmadaba inay masuuliyad gaara iska saaran sidii wax looga qaban lahaa xarumahaasi u baahan dayactirka madaama ay kaga faa’iidaysan karaan dayactir kadib shaqooyinka qaarkood ee ay u hayaan Bulshadooda.

Dhinaca kale Agaasimaha oo soo kormeeray Jeelka weyn ee degmada Badhan ayaa cadeeyey in jeelku qabyo yahay inta hadda dhisan iyo inta hadda la dhisayoba lagu hirgeliyey isku-tashi bulsho, waxaana uu shacabka reer Puntland gaar ahaan shacabka reer Sanaag kula dardaarmay inay ka qayb qaataan dhismaha Jeelka maadaama uu muhiimad gaara u leeyahay gobolka gaar ahaan degmada.

Ugu danbayn, Agaasimaha Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladdda Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa soo kormeeray degaanka Xubeera halkaasi oo hore u hayad xaruntii Sandaladda beel-weynta Warsangeli iyadoo ay wax-yeelo ba’an u geysatey duufaantii 1974-1975, waxaana uu Agaasimuhu booqday Gurigii Alle haw-Naxariistee Marxuun. Suldaan Maxamuud Cali Shire oo wakhti dheer kadib weli dhismihiisu taagan yahay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

  

  

  

  

  

  

  

  

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com