Madaxwaynaha Puntland oo mar kalle ka hadlay shirka qaran ee ka furmaya Garoowe (dhegayso)

Madaxwaynaha Puntland oo mar kalle ka hadlay shirka qaran ee ka furmaya Garoowe (dhegayso)

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Denni ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo qabanqaabada shirka wadatashiga ee ay isugu imaanayaan xubnaha dowladda dhexe ee faderaalka iyo dowlad goboleedyada, wufuudda qaybtii ugu horaysayna ay yimaadeen.

Isagoo ka hadlayay shir kadhacay Garoowe oo lagu soo gabagabeeyey kulan waynaha haweenka Puntland ayaa waxaa uu sheegay shirkan in looga tashan doono arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo deeqaha caalamka uu bixiyo.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu jirin wax gaar ah oo lagula xisaabtamayo dowladda dhexe oo uu kasoo shaqeeyey, balse ujeedka uu yahay in la turxaan bixiyo ismari waaga siyaasadeed ee taagan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com