Dowladda Faderaalka oo siidaysay nin dambi Al-shabaabnimo ay ku xukuntay Puntland

HomeWararka

Dowladda Faderaalka oo siidaysay nin dambi Al-shabaabnimo ay ku xukuntay Puntland

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa siidaysay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Ina Calool geel, kaasi oo

Itoobiya oo soo bandhigtay saraakil ka tirsan TPLF
Shir looga hadlayay ka hortaga dambiyada ka dhanka ah deegaanka oo lagu qabtay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka
Daljir & BBCMA: Baraarugga Haweenka – Taxanaha 23aad (Xaawo Axmed iyo Maxamed Xasan Dhalo – dhegayso|daawo)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa siidaysay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Ina Calool geel, kaasi oo ay maxkamad ku taala Puntland ay ku xukuntay dil toogasho, kadib markii lagu helay qaraxyo dad ku dhinteen iyo dilal kadhacay magaalada Gaalkacyo.

Cabdirisaaq Ina Calool oo ah ganacsade deganaa koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa martkiisii ugu horeeyey lagu qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka Puntland ay sameyeeen xiligii Puntland uu madaxwaynaha uu ka ahaa Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroolle, waxaana ay sababtay dhalinyaro ay isku beel kasoo jeedaan inay afduubeen dhalinyaro reer Garoowe, iyagoo doonayay in lasiidaayo Ina Calool Geel, balse markii dambe ayaa lasiidayay kadib markii uu amray madaxwaynihii hore Puntland Cabdiwali gaas.

Mareykanka ayaa horay u sheegay inuu ninkan katirsanyahay kooxda Al-shabaab.

Sanadkii 2017kii ayaa mar kalle lagu qabtay koonfurta Gaalkacyo kadib howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada PSF iyo Danab, waxaana lagu xukumay dil toogasho, waxaana uu ka qaatay racfaan, iyadoona kiiskiisa lagu wareejiyay dowladda dhexe ee faderaalka gaar ahaana maxkamadda sare oo shalay siidaysay.

Maxkamadda ayaa xukuntay inuu ninkan ka bixi karin magaalada Muqdisho muddo laba sano ah, waxaana sidoo kalle lagu amray inuu shantii sanoba mar uu booqdo xarunta CID-da , halka lagu amray ciidamada ammaanka inay dhaqdhaqaaqiisa ay lasocdaan.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: