Qarax ka dhacay magaalada Bosaaso

HomeWararka

Qarax ka dhacay magaalada Bosaaso

Ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Barri ayaa qarax waxaa lagula beegsaday bartamaha magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Gaariga la ba

Puntland: Xulka gobolka Haylaan oo Muqdisho laga hor istaagey (Warbixin)
Dowladda Sudaan oo sheegtay inay qabsatay degaano ku yaal Itoobiya
War Murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Barri ayaa qarax waxaa lagula beegsaday bartamaha magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Gaariga la bartilmaameedsaday ayaa waxaa lahaa mas,uul katirsan mamaulka gobolka,waxaan ku dhaawacmay ilaa iyo Saddax Askari oo midi uu dhaac culus uu soo gaaray.

Qaraxan ayaa waxaa lagu aasay inta udhexaysa shirkada Towfiiq iyo Hotel Juba oo ah waddada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso.

Ciidamada amniga ayaa soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana hakad galay isusocdka dadka iyo gaadiidka iyo goobihii ganacsi ee ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Isgoska uu qaraxa ka dhacay ayaa ah halka uu horay uga dhacay qaraxii ismiidaaminta ahaa oo ay sheegatay mas,uuliyadiisa koxda Daacish.

Majirto ilaa iyo hada wax war ah oo ak soo baxay maamulka gobolka barri.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: