Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay safiirka dawladda Jarmalka u fadhiya Soomaliya.

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay safiirka dawladda Jarmalka u fadhiya Soomaliya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo weli booqasho ku jooga Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxaa Maanta u

Madaxweynaha Puntland oo Dhax Dhigay Waddo Laami Ah oo Isku Xidhidoonta Garoowe Iyo Taleex
Ciidamada Puntland oo gaaray magaalada Hadaaftimo
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo weli booqasho ku jooga Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxaa Maanta uu halkaasi kula kulmay safiirka dawladda Jarmalka u fadhiya Soomaliya.

Madaxweyne Xaaf iyo Ms. Annett Gunther ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya sigaar ah tan deegaanada Dowlad goboleedka Galmudug oo xilligaan dhibaatooyin kala duwan ay ka jiraan.

Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyey dawladda jarmalka hawsha adag ay ka wadaan Somalia gaar ahaanna kuwa ay ka wadaan Galmudug. Wuxuuna u bandhigay baahiyaha ka jira Galmudug loona baahan yahay in dawladda jarmalka gacan ka geysato.

Horay ayaa Madaxweynaha Galmudug waxa uu ula kulmay safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliya, Fulgencio Garido-Ruiz, isaga oo u sharaxay in Dowlada dhexe ay siyaasadeysay mashaariicdii horumarineed ee Galmudug caalamka ugu talagalay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: