Saraakil ka tirsan Alshabaab oo isasoo dhiibay

Saraakil ka tirsan Alshabaab oo isasoo dhiibay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayana in Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan Baardheere.

Taliska Ciidanka Nabad suggida maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in labo Sarkaal oo Sare ay isku soo dhiibeen Ciidanka Jubbaland.

“Labo Sargaal oo ka tirsanaa Ururka nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa gordhow isku dhiibay maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, midka ka mid ayaa lagu sheegay magaciisa Adan Coobe oo oo siwayn looga yaqaano deegaanada Jubbaland” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Taliska NISA ee Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com