Ciidamada Puntland oo gaaray magaalada Hadaaftimo

HomeWararka

Ciidamada Puntland oo gaaray magaalada Hadaaftimo

Ciidamada Puntland ayaa gaaray magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxaana ciidamadan ay shalay ka ambabaxeen magaalada Bosaso kuwaasi oo ka hortg

Xubinta Sicirka Iyo Suuqa Burtinle
Senator Xasan Kobac oo hambalyo u diray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Wasiirka Beyle oo ka qeybgalay shirka Iskaashiga dalalka Geeska Afrika

Ciidamada Puntland ayaa gaaray magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxaana ciidamadan ay shalay ka ambabaxeen magaalada Bosaso kuwaasi oo ka hortgaya sanaadiiqda doorashoyinka Somaliland in la keeno deegaamadaasi oo Puntland katirsan.

Sidoo kalle xalay ayaa waxaa gaaray magaalada Baran ee gobolka Sanaag wasiirka amniga Puntland Cabdilaahi Yuusuf Dawlad iyo wafdi uu hogaaminayo.

Puntland ayaa horay u sheegtay inaanay ogolaan doonin deegaamada ay maamusho in laga qabto doorasho, waxaana sidoo kalle arrintan go’aan kasoo saaray baarlamaanka Puntland oo u sheegay dowladda inay difaacdo xuduudaheeda.

Shacabka magaalada Baran ee gobolka Sanaag oo soo dhoweeyey wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay inaanay aqbali doonin doorashooyinka Somaliland in laga qabto deegaamadooda.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 4
DISQUS: