Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo magaalada Qaahira kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Masar

HomeWararka

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo magaalada Qaahira kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Masar

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa k

Xaafadaha qaar ee magaalada Kismaayo oo bandow lagu soo rogay iyo askar la xiray
Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan la qaatay Ra’iisal wasaaraha dalkaas Mustafa Madbuuli, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka Dawladaha Soomaaliya iyo Masar.

Madbuuli waxa uu bogaadiyey dadaalada dib u kabashada ah ee Soomaaliya ay samaysay sanadihii dambe, waxaana uu balan qaaday inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda iyo ishkaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya waxa uu sidoo kale shir guddoomiyey kulanka wasiirada arrimaha dibadda dalalka Jaaamacadda Carabta oo looga hadlay qadiyadda Falastiin iyo xaaladaha wadamada ururka ku jira.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: