Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho Wararka horudhac ah ee laga helayo ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu geystay qarax xooggan ee goor dhow ka dhacay Koontaroolka Ciidamada NISA ku leeyihiin agagaarka taalada Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.

Qaraxa oo ahaa mid aad looga maqlay magaalada oo dhan, isla markaana qiic iyo uuro ay cirka isku shareertay, lagana arkayay meelo badan ayaa la sheegayaa inuu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu beegsaday koontaroolka Ciidanka NISA ku leeyihiin nawaaxiga Godka Jilacow.

dad Goobjoogayaal ayaa sheegaya inay arkeen meydadka dad ka badan shan ruux oo ay ku jiraan Ciidamo, waxaa ku dhintay Qaraxa Sarkaalad ka tirsaneyd Ciidanka Xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Fadumo Cali Raagge.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ugu yaraan labo Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen qaraxa, kuwaasoo lagu kala magacaabo Maryan Cariif iyo Nuur Shabeel.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com