Wasiirki hore Kaluumaysiga Puntland oo Garoowe ku geeriyooday

HomeWararka

Wasiirki hore Kaluumaysiga Puntland oo Garoowe ku geeriyooday

AUN Afhayeenkii hore ee barlamaanka Puntland soona qabtay xilal wasiirnimo Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa saaka ku geeriyooday Caasimadda Puntland ee

Arday Kaalmaha hore ka galay iskuulka Shaafici Qardho oo abaalmarino la gudoonsiyay (dhegayso)
Masuuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya oo ka qayb galay gabagabada Imtaxanadka Shahaadiga ah
Gumbax Waddooyinkii oo go’an, dadkii iyo duunyadii oo go,doon kujiraan (daawo)

AUN Afhayeenkii hore ee barlamaanka Puntland soona qabtay xilal wasiirnimo Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa saaka ku geeriyooday Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa wararku sheegayaan inuu si kedis ah u xanuunsaday habeenkii xalay ahayd, isla markaasna goor dhaw uu ku geeriyooday magaalada Garoowe, isagoo la doonayay in loo qaado magaalada Muqdisho.

Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi wuxuu kamid ahaa Asaasayaashii Puntland, wuxuu soo noqday Xildhibaan, Gudoomiye baarlamaan iyo Wasiirkii ugu dambeeyey ee wasaaradda Howlaha guud oo uu xilka wareejiyey sadex bilood kahor markii laga guuleystay Xukuumadiisii.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: