Madaxweyne Farmaajo oo u safray Sacuudiga

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo u safray Sacuudiga

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta waxa uu u ambabaxay dalka Sucuudiga lamana sii shaacin safarka madaxw

MAXAAN KANAQAANAA MUHIIMADA IYO FAA’IIDOOYINKA RAADIYAHA
Koonfur Galbeed oo qaaday howlgal ka dhan ah Al-shabaab
Macalimiin lagu dilay Mandheera

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta waxa uu u ambabaxay dalka Sucuudiga lamana sii shaacin safarka madaxweynaha.

Warar ay helayso Daljir ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu casuumaad rasmi ah uu ka helay Boqrka dalkaasi Sacuudiga boqor Salmaan.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee dowladda Soomaaliya.

Waa safarkii saddaxaad ee uu madaxweynaha ku tago dalkaasi Sacuudiga,tan iyo markii uu xumaaday xiriirka labada dowladood .

Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa culayso dhanka dhaqaalaha ah iyo mucaaradad uga imanaysa siyaasiyiinta gudaha dalka ee dhaliilsan qaabka ay dowladdu udhaqmayso.

lasoco wixii ku soo kordha warka safarka madaxweyne Farmaajo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: