Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo (Sawiro)

HomeWararka

Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo (Sawiro)

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda wasaaradda waxbarashadda hiddaha

Addis Ababa: Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo ka shiraya xaalada Soomaaliya
Afgooye oo guddoomiye cusub lo maagacabay
Puntland oo isku diyaarinaysa dagaal kama dambays ah oo lagu xoraynayo gobolka Sool

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaaalka Soomaaliya oo maanta ka tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf, waxana safarka ku weheliya madax kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashadda, waxana garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay wasiirka waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Cismaan Malaaq (kool kooliyow) iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnahan ka socda wasaaradda waxbarashadda ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb gali doona shir wadatashi ah oo u dhexeeya wasaaradda waxbarashadda iyo wasaaraddaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka.

Shirka ayaa socon doono muddo saddex maalmood ah shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maalinta beri ah gaari doona magaalada Baydhabo si uga qeyb galo shirka u dhexeeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamulada ka jira dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: