Puntland oo isku diyaarinaysa dagaal kama dambays ah oo lagu xoraynayo gobolka Sool

Puntland oo isku diyaarinaysa dagaal kama dambays ah oo lagu xoraynayo gobolka Sool

Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Cali Gaas ayaa ku amray Taliye yaasha ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, in ay udiyaar garoobaan duulaan xoogle oo lagu qaado maamulka la magac baxay Soomalailand ,oo ku soo duulay gobolka Sool xoogna ku haysta .

Wararka ay helayso radio Daljir ayaa sheegaya in Madaxtooyada Puntland ay qor shaynayso dagaal qorshaysan oo ka dhan ah maamulka Soomalailand ,ka hor inta aysan dhicin doorashada Puntland ku soo aadan 2019.

Hadalkan ayuu Madaxweynuhu waxa uu ka sheegay  shirkii golaha Wasiirada ee Puntland oo uu shalay shir gudoominayay .

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada qaar ayaa aaminsan in dagaalka xiliga ay dowladdu ka damacsantahay in ay mudada ku koror sato , gaabisna uu ku yimaado xiligii doorashada ay dhici lahayd .

Soomaaliland ayaa mudo kusiman 9 sano gacanta ku haysa gobolka sool ,tan iyo wixii ka dambeeyay 2010 kii oo ay ciidamada Puntland isaga soo baxeen magaalada Laas-caanood .

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com