Tahribayaal laga badbaadiyeey xeebaha Taliyaaniga

HomeWararka

Tahribayaal laga badbaadiyeey xeebaha Taliyaaniga

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen inay 117 Tahriibayaal ka soo kala jeeday dalal Afrikaan ah shalay ka soo badbaadiyeen meel ka b

Ciidanka Liyuu boolis oo lagu wareejiyay amniga ceelasha shidaalka
Warka Fiidnimo iyo Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso)
Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay xaalada gobolka Tigray

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen inay 117 Tahriibayaal ka soo kala jeeday dalal Afrikaan ah shalay ka soo badbaadiyeen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Al-khmas oo 120 KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha iyo Ammaanka Dekedaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay dadkaasi la socdeen dooni nooca caaga ee la buufiyo oo kula xumaatay xeebaha Galbeedka dalkaasi.

Tahriibayaasha shalay laga soo badbaadiyey Xeebaha Libya ayaa la sheegay inay kala ahaayeen 84 rag, 15 haween iyo 18 carruur, kuwaasi oo la siiyey gargaar iyo daaweyn, ka hor inta aan loo gudbinin Xarun lagu hayo dadka sida sharci-darradda ku jooga dalkaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0