Ciidanka Liyuu boolis oo lagu wareejiyay amniga ceelasha shidaalka

HomeWararka

Ciidanka Liyuu boolis oo lagu wareejiyay amniga ceelasha shidaalka

Dowladda Itoobiya ayaa deegaanka Soomaalida ku wareejisay amniga ceelaasha shidaalka ee gobolka si loo xaqiijiyo badqabka shaqalaaha iyo howlaha shida

Jalam Khasaaro hantiyeed oo baaxad leh ayaa ka dhashay daadad ku soo ragmaday magaalada
Warka Caweysin iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Dowladda Itoobiya ayaa deegaanka Soomaalida ku wareejisay amniga ceelaasha shidaalka ee gobolka si loo xaqiijiyo badqabka shaqalaaha iyo howlaha shidaal qodista ee ka socd halkaas, sida ay sheegeen masuuliyin ka tirsan dowlad deegaanka.

Waxaana haatan ceelasha shidaalka ilaalinayo ciidamada gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida xilli horraan halkaas ay gacan ku hayeen ciidamada federaalka.

Horraan ciidamada deegaanka looma ogoleyn inay tegaan ceelasha shidaalka.

“Waxaan hadda ka hor ka warqabnay inaan ciidanka deegaanka loo ogalayn inay tagaan agagaarka ceelasha shidaalka ilaa meelo loo calaamadiyay oo kabaxsan xaydaanba ceelasha mooyee” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka ee Dawladda Deegaanka Soomaalida Cabdi Nuur Faarax.oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Wuxuu sheegay inay kalsooni ku qabaan ciidamada dowladda deegaanka ee haatan loo dhiibay sugidda amniga ceelasha shidaalka.

Wasiirka batroolka Dowlada Deegaanka ayaa ciidamada gaarka ah ee gobolka ugu baaqay inay ilaaliyaan amniga ceelasha shidaalka maadama ay mas’uul weyn ka saaran tahay ceelasha.

“Haddaba anaga oo nidaamka ilaalada ee ciidanka deegaanka kalsooni aad uwayn kuqabna, hadana Waxaan ku boorinaynaa inay hantidooda ilaashadaan, xil aad uwayna iska saaraan adkaynta amniga ee ceelasha shidaalka” ayuu yiri Cabdinuur Faarax.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: