Nin xaaskiisa dilay oo lagu qabtay dalka Panama (Daawo)

Nin xaaskiisa dilay oo lagu qabtay  dalka Panama (Daawo)

Nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay in uu xaaskiisa ku dilay magaalada City Heights ee dalka Mareykanka horaantii bishan ayaa Ciidanka Mareykanka ay kasoo qabteen dalka Panama sidda ay sheegeen Ciidanka Booliska Magaalada San Diego.

Ninkaan ayaa xaaskiisa ku dhex dilay guri ay ka deganaayeen Mareykanka ka dibna waxaa la sheegay in uu u baxsaday dalka Panama si aan loo soo qaban.

Abdiaziz Kerow oo 45 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay dhimashada haweeney 36-sano jir aheyd oo lagu magacaabo Muna Salad Kuri oo aheyd Xaaskiisa.

Kerow ayaa marka uu xaaskiisa dilay ku qariyay meel ka mid ah guriga taasoo dadka ku adkaatay in meelmo badan la ogaado geerideeda.

Qaar ka mid ah Eheladda Gabadha la dilay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin Soo qabashadda ninkaan, islamakaana ay rajo ka qabaan in uu wajaho xukun adag.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com