Mozambique oo sadex maalmood oo baroor diiq ah gashay kadib duufaanta Idai

HomeWararka

Mozambique oo sadex maalmood oo baroor diiq ah gashay kadib duufaanta Idai

Dowladda Mozambique ayaa ku dhawaaqday sadex maalmood oo baroor diiq qaran ah, kadib duufaan daadad iyo dabaylo watay oo dilay inka badan laba boqol o

Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay Sharuudaha looga baahan yahay qofka isku sharaxa Golaha Shacabka
Shirweynihii Saddexaad ee Jaamacadaha Puntland oo la soo Afmeeray (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Dowladda Mozambique ayaa ku dhawaaqday sadex maalmood oo baroor diiq qaran ah, kadib duufaan daadad iyo dabaylo watay oo dilay inka badan laba boqol oo qof, iyadoo guryo badan iyo hanti ku burburtay koonfur bari dalkaasi.

Duufaanta Idai ayaa ku dhufatay magaalada dekedda leh ee Beira Khamiistii lasoo dhaafay, waxaana ay wadataa dabaylo ku socda xawaare 170km saacaddiiba, waxaana soo dumay dhismayaal badan, taasi oo khatar ka dhigtay nolosha malaayiin ruux.

Madaxwaynaha Mozambique Filipe Nyusi  ayaa ka sheegay khudbad uu ka jeediyay telfishinka ayaa Talaadadii waxaa uu ku sheegay inka badan laba boqol oo qof inay geeriyoodeen, kaliya qayb ka mid ah maydadkooda la helay.

Wadanka dariska la’a ah ee Zimbabwe ayaa tirada dhimashadu ay soo gaartay 98 ruux, waxaana la filayaa boqolaal kalle in la waayay.

Inka badan laba milyan iyo bar ayaa ay saamaysay duufaanadan oo lagu tilmaamay cimiladii ugu xumaa ee lala xiriiriyo masiibooyin ee ku dhaftay dalalkaasi.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: