Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo Kuwayd kala hadlay Bariga Dhexe

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo Kuwayd kala hadlay Bariga Dhexe

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay inay midowaaan dowladaha Khaliijka, isagoo ku guda jira booqasho lugtiisa ugu dambeeyey ee socdaal uu ku marayo Bariga Dhexe, waxaana uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Kuwayd, waxaana uu kala hadlay xoojinta wada shaqaynta dhanka difaaca, ganacsiga iyo ammaanka dhanka kumbiyuutarada.

Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Kuwayd ayaa soo dhoweeyey qorsha Mareyakanka ee nabadda Bariga Dhexe, waxaana uu sheegay dowladda Kuwayd inay dhankeeda ay door ka qaadan doonto khilaafka gobolka kajira sidii loo dhamayn lahaa.

Sanadkii 2017kii dowladaha Sacuudiga, Baxrayn, Imaaraatka Carabta iyo Masar ayaa cunaqabatayn dhanka dhulka, badda iyo cirka kusoo rogay dowladda Qata, iyagoo ku eedaynaya inay taageerto argagaxisada, halka dowladda Qatar ay siwayn isaga fogaysay eedaymahaasi

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com