Muxuu yahay saamaynta garroonka Bosaso uu ku yeelan karo wareejintii duulimaadkii Garoowe?

HomeWararka

Muxuu yahay saamaynta garroonka Bosaso uu ku yeelan karo wareejintii duulimaadkii Garoowe?

Magaalada Bosaso waa xarunta ganacsiga iyo dhaqaalle ee Puntland, waana magaalada ugu shacbka badan Soomaaliya marka laga yimaado magaalooyinka Muqdis

Wariye Jamaal Cismaan ” Shaqada warbaahintu maaha inay tebiso waxa Dowladu sheegto keliya,”
Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kulan kula qaatay Issimadda dhaqanka SSC-KHAATUMO. (Sawiro)
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)

Magaalada Bosaso waa xarunta ganacsiga iyo dhaqaalle ee Puntland, waana magaalada ugu shacbka badan Soomaaliya marka laga yimaado magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa, balse go’aankan kasoo baxay wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa noqon kara mid saamayn ku keeni karaa dhaqaalle, sida uu qabo Cabdulaahi Jaamac Saalax oo ah wasiirkii hore duulista hawada iyo garoomada Puntland.

Cabdulaahi oo la hadlayay warbaahinta Daljir ayaa sheegay garroonka Bosaso inuu yahay mid dhaca istiraajiyad muhiim ah, oo aanay jiri karin wax saamayn ah oo diyaaradaha ay kala kulmi jireen inay ku shaqeeyaan dhanka cimilada.

Waxaa uu ku eedeeyey shirkadda Daallo duuliyaheeda inuu sabab u yahay amarkan inuu soo baxo, isagoona xusay dabaysha ka jirta Bosaso gaar ahaana garroonka iyo xeebta ay tahay wax muhiim u ah duulimaadka, inkastoo uu xusay marar qaar inay loo cudur daari karo dabaylaha xiliga xagaaga dhacaya.

Shirkadaha ayuu sheegay in ay muhiimad siiyaan shacabkooda.

Garroonka Bosaso ayaan badanaa laga helin duulimaadyo joogto ah oo magaalooyinka Muqdisho, Dubai , waxaana uu yahay garoon aad ay u yaryihiin tirada duulimaad ee yimaada marka lala barbar dhigo garoomada Muqdisho, Gaalkacyo, Hargaysa iyo Kismaayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: