Xasan Jabhad: “Waa nala haystaa nala gumeystaa halgan baa nagu waajiba … Mustafe asna carada ha ka koro oo dadka ha hoggaamiyo” (dhegayso)

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Xasan Jabhad: “Waa nala haystaa nala gumeystaa halgan baa nagu waajiba … Mustafe asna carada ha ka koro oo dadka ha hoggaamiyo” (dhegayso)

Aqoonyahan Xasan Cabdullahi Ducaale “Xasan Jabhad” ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu kaga hadlay dagaallo muddooyinkaan ka socday gobolka So

WASIIRKA DHALLINYARADA & CIYAARAHA DDS OO GODEY GAROON KUBADDA DHAGAXDHIGAY
Bannaanbaxayaal barakacayaasha Qoloji oo xabsiga loo taxaabay
KAARAAMARDHA! | Kaaraamardha waa goob ku suntan taariikh dheer| (Warbixin).

Aqoonyahan Xasan Cabdullahi Ducaale “Xasan Jabhad” ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu kaga hadlay dagaallo muddooyinkaan ka socday gobolka Soomaali-Galbeed  ee Dowlad Deegaanka Soomaalida “DDS” una dhexeeya Soomaalida deegaanka iyo Oromo dullaan ku ah deegaanka Soomaalida.

Soomaalida deegaanka ayuu Xasan Jabhad sheegay in lagu hayo dil iyo dhac-iyo-boob aan loo meel dayin si looga ciribtiro deegaankooda.

Xasan ayaa docda kalena ka hadlay arrimo ay kamidyihiin isbaddalka guud ee beryahan ka socda dalka Itoobiya, shir Addis Ababa ka dhacay oo loo qabtay qabaa’iilka Dir ee Soomaalida, salkana ku haya isbaheysi ay Oromadu abaabuleyso.

Xasan waxaa kale oo uu nala qaysanayaa arragtidiisa ku aaddan waxa u qabsoomay ama ka qabyoobay dawladda Madaxweyne Mustafe Cagjar ee DDS.

Xasan waxa uu u warramay Axmed Shiikh Maxamed “Tallman” oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso.

Hoos kaga bogo.

 

Halkan kaga bogo waraysiga oo dhamaystiran.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: