HomeWararka

Madaxweyne farmaajo oo lagu wado maanta inu la kulmo Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar ayaa Maanta la filayaa in uu kulan gaar ah la yeesho Amiirka dal

3 Ruux oo ku Dhimatay Shil Gaari oo ka Dhacay Sheerbi iyo 4 Dhaawac ah (Sawiro)
Xulashada Daljir & Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Aqalka Sare Soomaaliya oo soo dhoweeyey guddi kala shaqaynaya xukuumadda khilaafka maamul goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar ayaa Maanta la filayaa in uu kulan gaar ah la yeesho Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka dalka Qatar ayaa Labada masuul waxaa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta safarka Madaxweynaha ku wehlinaya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa waxaa ay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaan madax ka tirsan dalkaasi Qatar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: