Daacish iyo shabaab oo dagaal ku dhexmarayo gobalka bari

HomeWararka

Daacish iyo shabaab oo dagaal ku dhexmarayo gobalka bari

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal xooggan oo Shabaab iyo Daacish maanta ku dhex maray duleedka bari ee magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bar

Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay weeraradii Muqdisho ee maanta
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Muqdisho (dhegayso)
Duqa cusub ee degmadda Gaalkacyo oo maanta xilka la wareegay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal xooggan oo Shabaab iyo Daacish maanta ku dhex maray duleedka bari ee magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.

Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay Tuulada Afgaraar oo hoostagta deegaanka Dhaadaar ee Gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu labo jeer ka kala dhacay deegaankaas, dagaalka hore ayaa dhacay saaka aroortii, halka dagaalka labaadna uu dhacay salaadii jimcaha kaddib, kaasoo soo gaaray illaa maqribkii.

Lama oga illaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana la sheegayaa in labada dhinac uu soo kala gaaray dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tiradooda la ogeyn.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: