Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay weeraradii Muqdisho ee maanta

Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay weeraradii Muqdisho ee maanta

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa uu uga tacsiyadeeyey shacabka Soomaaliyeed weeraradii Al-shabaabku sheegteen ee maanta.

 

“Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee kooxda arxan laawayaasha ah ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ku daray “Weerardan oo kale nagama hor istaagayaan in aan sii xoojinno dhiiranaanteenna ku aaddan in aan ka adkaanno aragagixisada oo aan gaarsiino.shacabka Soomaaliyed xasillooni iyo horumar ay mahdiyaan.”

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com