Guddoomiyihii Degmadda Jariiban oo is casilay (Daawo)

HomeWararka

Guddoomiyihii Degmadda Jariiban oo is casilay (Daawo)

Gudoomiyihii golaha deegaan ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Shirwac ayaa maanta oo Taariikhdu tahay 03 Feb 2019 wuxuu warba

Ciidamo ka tirsan dowladda & kuwa ATMIS oo loo tababaray ka hortagga qaraxyada
XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR | BOSAASO 27- DECEMBER- 2022
Mukhtaar Roobow oo Iska Difaacey Alshabaab iyo Ciidanka Dowladda oo Gaarey Abal

Gudoomiyihii golaha deegaan ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Shirwac ayaa maanta oo Taariikhdu tahay 03 Feb 2019 wuxuu warbaahinta u qaybiyey Warqadiisii iscasilaada kadib markii uu 29 Jan 2019 golaha deegaanka ka codsay inuu iska casilo xilkaasi.

Maxamed Yuusuf Shirwac Gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Jariiban ayaa sheegay inuu xilkaasi uga tagay Duruufo Caafimaad iyo Hawlo isaga u gaar ah sida uu sheegay.

Gudoomiyaha golaha deegaanka ayaa xiligii uu warbaahinta lahadlayey wuxuu sheegay 3 Sano iyo 7 Bilood oo xilkaasi soo hayey inuu wax badan ka qabtay degmada Jariiban isagoo uga mahad celiyey dhamaan shaqalihii iyo Wasaarada arimaha gudaha dawlada Hoose iyo Hormarinta Reer Miyiga Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: