Mukhtaar Roobow oo Iska Difaacey Alshabaab iyo Ciidanka Dowladda oo Gaarey Abal

Mukhtaar Roobow oo Iska Difaacey Alshabaab iyo Ciidanka Dowladda oo Gaarey Abal

Xaalada degaanka Abal oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa saakay degan, kadib markii shalay ay halkaasi ku wada dagaalameen Maleeshiyo uu wato Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degaankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Shabaabkii weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen degaanka Labaatan Jirow oo markii hore ay ka yimaadeen.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi Aadan ayaa sheegay degaanka Abal oo ka tirsan Bakool ay hada gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Cabdirisaaq Cabdi Aadan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay ujeedka ay halkaasi u gaareen Ciidamada in uu yahay sidii ay garab Millitari u siin lahaayeen Sheekh Muqtaar Roobow oo Shabaab ay soo weerareen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com