HomeUncategorized

Haweeyneyda ugu da’da weyn Dunida oo dhan oo u Dabaal-dagtay Sannad-guuradeedii 116-aad

Isniin, May 25, 2015 (Daljir) — Jirelean Talley oo loo tixgaliyo inay tahay qofka ugu da’da weyn Adduunka oo dhan xilligan nool ayaa 116-sano jirstay ,iyada oo ku sugan magaalada Inkster ee dalka Maraykanka, waxaana xaflada dhalashadeeda ka so qayb-galay inta badan qoyskeeda.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland oo Sheegay in cadaaladda uu xooga saari doono
Xaalad kacsanaan ah oo wali ka jirta Islii, iyo bilayska oo wada hawlgalo amni-sugid..
DHEGEYSO-Barnaamij gaar ah oo ku saabsan waxyaabaha sababa soo noqnoqoshada abaaraha.

Isniin, May 25, 2015 (Daljir) — Jirelean Talley oo loo tixgaliyo inay tahay qofka ugu da’da weyn Adduunka oo dhan  xilligan nool ayaa 116-sano jirstay ,iyada oo ku sugan magaalada Inkster ee dalka Maraykanka, waxaana xaflada dhalashadeeda ka so qayb-galay inta badan qoyskeeda.

Talley ayaa dhalatay sannadkii 1899-kii, Waxayna noolayd labo Qarni, sidoo kalena waxay goob-joog ahayd ,iyada oo  xilalka ay iska badalayaan 20 madaxweyne oo kala duwan, iyadoo Hambalyo Dhalashadeeda ku Aaddan uu u soo diray Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama.

“Khibradaada Nololeed iyo Durugsanaanta Xikamaddaada ayaa Calaamad u ah meesha uu Qarankeennu kasoo safray sanadku markuu ahaa 1899-kii.“ ayuu Obama ku yiri waraaq uu u soo diray haweenaydan.

Talley ayaa ku dhalatay Georgia 23-dii bishii shanaad  sanadkii 1899-kii ,waxaana sanadku markuu ahaa 1935-tii ay u soo wareegtay gobolka Machigan, iyada iyo saygeedii Alfred oo isna dhintay sanadkii 1988-dii isaga oo 95-sano jir ah.

Ugu dambeyn, Haweeynaydan oo qoysas badani ay ka tarmeen ayaa loo doortay inay tahay Ruuxa Adduunka ugu da’da weyn  bishii Afaraad ee Sannadkan; kaddib markii Magaalada Arkansas ay ku geeriyootay Gerrude Weaver oo ahayd 116-sano jir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: