DHAGAYSO: Madaxa xafiiska difaacaha xaquuqul-aadanaha Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamay Xadhiga Agaasimaha Daljir

Talaado, May 26, 2015 (Daljir) — Madaxa xafiiska difaacaha xaquuqul-aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa walaac aad u daran ka muujiyay ficillada kutumashada sharciga, waxaana uu si adag u cambaareeyay nidaamkii lagu xiray, laguna soo daayay Agaasimihii Daljir Garowe, Iyo wariye Jamaal Faarax Aadan.

Mudane Maxamed Yuusuf waxaa uu dawladda ugu baaqay in ay xaq-dhowrto madax-banaanida muwaadiniinta, iyo xaquuqaha aasaasiga ah ee Dastuurku damaanad-qaadayo, waxaana uu ku dheeraaday ahmiyada ay warbaahintu ugu fadhiyo dadka iyo dalkaba.

 

Dhagayso


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com