HomeUncategorized

DEG DEG:Agaasimihii Idaacadda Daljir ee Garowe iyo wariye Jamaal Faarax oo Xabsiga la dhigay

Sabti, May 23, 2015 (Daljir) —Booliska degmada Garowe ayaa xabsiga dhigay agaasimihii idaacadda Daljir qaybteeda Garowe iyo weliba wariye Jamaal FAarax Aadan oo kamid ah shaqaalaha xarunta Daljir ee Garowe.

Wasiirka Arimaha Dibadda Qatar oo Muqdisho ku wajahan
Xulalka kubadda cagta ee gobolada Karkaar iyo Nugaal oo galabta ciyaari doona fiinaalaha iyo xulka hanta koobka oo la dhowrayo maanta
Dhagayso Talaado Caawa iyo Daljir 04 Oct 2016 Wariye Maxamuud Cabdi Ibraahim Studio Daljir Boossaaso

Sabti, May 23, 2015 (Daljir) —Booliska degmada Garowe ayaa xabsiga dhigay  agaasimihii idaacadda Daljir qaybteeda Garowe iyo weliba wariye Jamaal FAarax Aadan oo kamid ah shaqaalaha xarunta Daljir ee Garowe.

Agaasime Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi) iyo Jamaal Faarax Aadan ayaa xilligan ku xiran saldhigga booliska Garowe.mana jirto cid dowladda ka tirsan oo xarigooda ka hadashay.

Xariggan ayaa la sheegay in uu yimid ka dib markii wariye Jamaal uu qabtay barnaamij dood ah oo ka baxay idaacadda Daljir xarumaheeda kala duwan,

Maamulka Idaacadda ayaa si adag u canbaareeyay xarigan ,waxaana ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo ka hor imaanaya xorriyadda hadalka saxaafadda.

Barnaamijkan uu wariyaha qabtay ayaa waxaa ka qayb-galay gudoomiyihii ugu horreeyey baarlammaanka Puntland Yuusuf Xaaji Siciid iyo Aqoonyahan Siciid Nuur Geedi, waxaa diiradda lagu saaray ammaan xumada ka jirta Puntland, hoos u dhaca dhaqaalaha iyo weliba ballan qaadyadii xukuumadda Madaxweyne Gaas sameysey oo ilaa iyo hadda aysan wax badani ka hirgelin. 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: