Kaalintee ayay kaga jirtaa Soomaaliya qiimaynta baasboorada caalamka?

Kaalintee ayay kaga jirtaa Soomaaliya qiimaynta baasboorada caalamka?

Qiimeynta Hay’adda The Henley Passport Index waxaa salka looga dhigay tiradda dalalka lagu tegi karo Baasabooradda Caalamka,  iyadoo aan wax Fiiso ah la codsanin.

Shanta Waddan ee lagu xusay Qiimeyntaasi inuusan Basaaboorkooda xoog weyn lahayn waxay kala yihiin:

1-      Baasaboorka dalka Eritrea oo Fiiso la’aan lagu tegi karo 38-Waddan

2-      Baasaboorka dalka Yemen oo Fiiso la’aan lagu tegi karo 37-Waddan.

3-      Baasaboorka dalka Pakistan oo Fiiso La’aan lagu tegi karo 33-dal.

4-      Baasaboorka Somalia iyo kan dalka Syria oo Fiiso La’aan lagu tegi karo  min 32-dal.

5-     Baasaboorka dalalka Afganaistan iyo  Ciraaq oo Fiiso la’aan lagu tegi karo min 30-dal.

Qiimeynta Hay’adda Henley Passport waxaa kale lagu soo bandhigay dalalka Qaaradda Afrika ee ay Baasabooradda ugu xooggan yihiin, kuwaasi oo kala ah:

1-      South Africa,

2-      Murushiyos,

3-      Botoswana

4-     Namiibiya

5-     Lesoota,

6-      Dalka Eswatini oo horey loo oran jirey Iswaziland,

7-     Kenya,

8-     Gambiya,

9-     Tanzania

10- Zambia.

Dhinaca kale,  Baasaboorka dalka Japan ayaa noqday kan ugu xoogga badan dhamaan Baasabooradda Calaamka, waxayna Muwaadiniinta dalka Japan  fiiso la’aan ku tegi karaan 190 Waddan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com