Mareykanka oo difaacaya jamhadda Kurdiga ee Suuriya

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo  ayaa muujiyay rajo wanaagsan oo ku’ aadan heshiis uu la gaaro wadanka Turkiga oo Mareykanka uu ku ilaalinayo jamhadda Kurdiga ee Suuriya, kadib ka bixista Mareykanka ee Suuriya.

Isagoo saxaafadda kula hadlayay wadanka Isu Tagga Imaaraatka Carabta kadib xiriir dhanka taleefanka oo uu la sameeyey dhigiisa wadanka Turkiga ayaa waxaa uu sheegay inuu rajo ka qabo heshiiska.

Ciidamada Mareykanka ee Waqooyiga Suuriya ayaa ka caawinayay jamhadda Kurdiga dagaalka lagulan jiro Daacish.

Turkiga ayaa jamhadda Kurdiga u arka urur argagaxiso , waxaana uu horay balan uu ku qaaday inuu burburinayo.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com