HomeUncategorized

Xoghayaha arimaha Dibadda Maraykanka oo Muqdisho kula kulmay Madaxda Dowladda Soomaliya

Talaado, May 05, 2015 (Daljir) — Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry iyo wafdi uu hoggaaminayo oo duhurnimadii maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo RW-ha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, isagoo intaas kaddibna la kulmay madaxda maamullada gobollada dalka.

RW Cumar Cabdirashiid iyo Bulshada Rayidka ah ee Gobolka Mudug oo Arimo muhiim ah ka wada Hadlay
Baahin: Sabti, Apr 23, Weriye Axmed Sh. Maxamed ~ Daljir ~ Bossaso. “Waxaa jira dad curyaaminaya amniga iyo dhaqaalaha Puntland, sidoo kale waxaa jirta abaar aad u daran ee aan u kacno” C/Sammed Cali Shire … Gen. Khayr, wasiirka ammaanka ee Puntland oo ka codsaday shacabka in lagala shaqeeyo adkaynta amniga, sheegayna in rag loo qabtay dilkii xalay ka dhacay Galkacyo; Odayaal ay isku-hayb yihiin eedaysanayaasha oo sheegay in aanay lug ku lahayn dilalka loo haysto … Al-shabaab oo la wareegay Dhuusamareeb, Galgaduud; Ahlu-sunna oo isku uruursanaya duleedka magaalada Dhuusamareeb …
Caawa iyo Daljir, arbaca, Jan 23,2013, Maxamuud Cabdi Ibraahim (Daljir Boosaaso)

Talaado, May 05, 2015 (Daljir) — Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry iyo wafdi uu hoggaaminayo oo duhurnimadii maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo RW-ha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, isagoo intaas kaddibna la kulmay madaxda maamullada gobollada dalka.

Kulankii uu John Kerry la yeeshay madaxweyne Somalia Xasan Sheekh iyo RW Cumar oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa looga hadlay sidii ay Mareykanku uga caawin lahaayeen Somalia amniga iyo horumarinta hay’adaha dowladda Somalia.

Sidoo kale, Kerry ayaa kulammo la qaatay hoggaamiyeyaasha maamullada gobollada dalka, oo ay ka mid ahaayeen; C/weli Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo kala hadlay amniga iyo sidii horumarin loo gaarsiin lahaa maamullada dalka ka jira.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan Soomaaliya imaado, Soomaaliyana horumar ayaan u rajeynaynaa inay mustaqbalka dhow gaarto,” ayuu yiri Kerry oo ka hadlayay booqashadiisa Somalia.

Xoghayaha arrimaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka oo sidoo kale kulamo la qaatay xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka Somalia, isagoo intaas kaddib xusay inaysan ka jeesan doonin Somalia illaa inta Al-shabaab dalka oo dhan laga ciribtirayo.

Wuxuu kaloo John Kerry sheegay in safaaraddii Mareykanka uu Muqdisho ku lahaa ay dib u furi doonaan, si xiriirka Somalia iyo Mareykanka loo xoojiyo, ayna taageero joogto ah siin doonaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

John Kerry ayaa kulammada uu la qaatay madaxda Somalia ayaa ahaa kuwo ay albaabbadu u xirnaayeen, iyadoo markii uu kulammada madaxda Somalia dhamesytay ayuu la kulmay saraakiisha AMISOM, isagoo uga mahad-celiyay howlgalka ay Soomaaliya ka wadaan iyo dagaalladii ay Al-shabaab kaga saareen deegaanno badan oo Somalia ka tirsan.

Mr Kerry ayaa noqonaya wasiir arrimo dibadeed Mareykan ah oo Somalia yimaada, sidoo kale wuxuu noqonayaa mas\’uulkii labaad ee ugu sarreeyay oo Soomaaliya yimaado tan iyo markii ay Soomaaliya gashay colaadaha sokeeye, iyadoo uu Soomaaliya booqsho ku yimid madaxweynihii hore ee Mareykanka, George Bush oo sannadihii sagaashameeyadii yimid Somalia xilli ay abaaro daran ka jireen.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: