HomeUncategorized

Madaxweynaha Somaaliya oo Furey kalfadhiga lixaad ee Baarlamanka Federaalka

Isniin, Abriil 27, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furey kalfadhigii lixaad ee Baarlamanka Federaalka.

Dagaal saf balaaran ah oo ka socda duleedka Muqdisho.
Wadahadallo lagu dhex-dhexaadinayey beelo wada deggan deegaanno ka mid ah gobola Bari oo meel wanaagsan maraysa.
DHEGEYSO-Ciidamada Jubbaland oo soo bandhigay sarkaal katirsan Alshabab.

Isniin, Abriil 27, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furey kalfadhigii lixaad ee Baarlamanka Federaalka.

Khudbad dheer oo uu furitaanka kalfadhigaasi ka jeediyey Madaxweynaha, ayaa waxaa uu kaga hadley arrimo dhowr ah oo la xiriira hawlaha baarlamanka horyaalla, barnaamijyada dowladda ee Hiigsiga 2016 iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadley arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro Al Shabaab, iyo sida weli ay dowladda uga go’an tahay inay soo dhoweyso cid kasta oo dooneysa in nabad wax lagu xaliyo.

Furitaanka kalfadhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: