DHEGEYSO-Ciidamada Jubbaland oo soo bandhigay sarkaal katirsan Alshabab.

Beled-xaawo, Mar 06 2017-Gobolka Gedo gaar ahaa degmada Baled xaawo waxaa lagu soo bandhigay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkii ay wateen.

Ciidamada Nabadsugida ayaa howlgal gaar ah ku soo qabtay labadan ruux ee shabaabka ah kuwaas oo laga soo qabtay qeybo ka mid ah Degamada Baled xaawo.

Cali Abshir Xasan taliyaha Ciidamada Maamulka Jubbaland ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ku soo bandhigeen ragan shabaab ka tirsan Gobolkaas islamarkaana ay ahaayeen rag Bam ku weeraray guri uu degnaa Mid ka mid ah Ergadii soo doortay Xildhibaanada baarlamaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com