Khasaaraha dhimashada ee duufaanada wadanka Filibiin oo korodhay

HomeWararka

Khasaaraha dhimashada ee duufaanada wadanka Filibiin oo korodhay

Kudhowaad 22 ruux ayaa ku geeriyooday duufaano ku dhuftay jaziirado ku yaala dalka Filibiin, masuuliyiinta wadanka ayaa sheegaya inay socoto howlaha s

Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo ku geeriyooday Imaaraadka Carabta
Xulashada Daljir & Xaawo Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)

Kudhowaad 22 ruux ayaa ku geeriyooday duufaano ku dhuftay jaziirado ku yaala dalka Filibiin, masuuliyiinta wadanka ayaa sheegaya inay socoto howlaha samata bixinta bulshada ee qaybo ka mid ah jaziiradaha.

Khasaaraha dhimashada ayaa sare u sii kacaya afartii maalmood ee lasoo dhaafay oo roobab xoogan ay ka da’een gobolada Fisiyaas iyo Bicol, xafiiska dowladda ee difaaca rayidka ayaa sidaasi sheegay.

Dadka ugu badan ee geeriyooday waa dad ay kusoo dumeen guryaha iyo kuwa daadadka ay qaadeen.

“Goobaha ugu daran ee wadanka biya ayaa ka hooseeya, waxaa aynu dirnay ciidamo iyo doonyo xinjir ah si qoysaska loo soo badbaadiyo, waxaana qaadmay saqafka guryaha” ayuu yiri Claudio Yucot oo u hadlay gobolka Bicol.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: